NISA oo Dekada iyo Garoonka Muqdisho mar kale ku qabatay Saanad Ciidan oo khawaarijta loo waday

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Dekada Muqdisho ku qabtay Konteenar siday alaabo ay ciidamadu adeegsadaan oo ay ku jiraan Saanad ciidan kuwaas oo loo waday Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiiru dowlada Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Maxamed Cali Xaggaa ayaa sheegay in Sirdoonka Soomaaliya ay si dhow ula socdeen Saanaddan ciidan ee lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, howlgal guuleystayna gacanta lagu soo dhigay.

Wasiiru dowladda Wasaaradd amniga Gudaha Maxamed Cali Xaggaa iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala oo si wadajir ah shir jiraa’id u qabtay ayaa tilmaamay in sirdoonka Soomaaliya uu ku guuleystay la socoshada dhaq dhaqaaq walba oo khawaarijtu dooneyso inay ku dhagarto shacabka taasina ay sahashay in la helo xogtooda.

Dhanka kale Sirdoonka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Alaabo u badan qalabka isgaarsiinta oo u socday Cadowga oo laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Dekada iyo Airport waa labo il oo dalka u muhiim ah, qabashada qalabkaan iyo alaabaha ayaa cadayn u ah shaqada adag ay haayaan Hay’adaha ammaanka wadanka iyo sida uu u xoogaysatay xogta sirdoonkeena.

Dowladda Somalia waxaa ka go’an in talaabo adag laga qaado Danbiilayaasha Khawaarijta iyo qof kasta oo ku kaalmaysa dhibaatada ay ku haayaan dadkeena, ha ahaadaan Ganacsato, masuuliyiin ama nuuc kasta oo ka mid ah bulshada.