Inkastoo uu barwaaqo Eebbe inagu galadaystay oo inaanu uga mahad celino mooyee aan tabasho iyo tawaawac toona inaga mudnayn haddana roobka Muqdisho sida joogtada ah uga da’ayaahi wuxuu gaadhay heerkii ay reer guuraaga Soomaaliyeed ku tiraabi jireen”Allow ararka iyo awra daaqeenka”, wadaadaduna ay odhaah diimeedkii nuxurkeedu ahaa” Allahayow hareereheenna ka yeel oo dusheena ka leexi” ku Alle baryi jireen.
Habeen iyo dharaar waxaa si aan kala go’ lahayn magaala madaxda dalka iyo banderada kale oo koofurta dhaca, xeebtaha bad weynta Hindiyana ku teedsan uga hooraya roobka la yidhaahdo”xagaayaha” oo ay dadweynuhu ku diirsadeen, kulaylkii kal dambeedka iyo xanfarkii dabeyshana uga nasteen, hayeeshee waa tii lagu maahmaahi jiray” nimco waliba nusqaanteeda lehe” dhibicda aan kala joogsiga lahayn iyo dhoolka cirka ku qamaamudani waxay yeesheen saamayn taban.
Saameyntaasi waxay isugu jirtaa tu nolosha bulshada taabatay iyo mid bilicda deegaanka muuq doorisay oo rasnaan iyo rasi qaab-daran u keentay fiyaalaha iyo faras magaalaha caasimadda, waxaanay kararta roobka iyo karaarka gufaacadu dad badan oo danyar ah u gaysteen waxyeello baaxad leh, maxaa yeelay buushashka ay ku noolyihiini darroorta iyo daadadka way ka celin waayeen, baadkii ay cuni lahaayeenna kansho ay ku raadsadaan way waayeen.
Hooyooyin subax kasta kallihi jiray si ay carruurtoodu waxay dhuunyadaan magaalada uga soo dhiciyaan oo dhar-dhaqista, xaaqidda goobaha ganacsiga, wareejinta sanbuuska, karinta shaaha iyo wixii la mid ah ka shaqaysan jiray oo nolol maalmeedkooda ka soo saaran jiray ayaa guryihii iyo cooshadihii ay degganaayeen ka soo bixi waayay oo dhanaanada dhibicda xagaayaha u dhibane noqday.
Sidoo kale ganacsata yar yar oo waratada loo yaqaan, wadayaasha gaadiidka, cabitaan layaasha, iyo haweenka hareeraha wadada caanaha ku iibiya ayaa qadyaan iyo caalwaa taagan ka dib markii ay okorashada roobka guryaha ugu xayirmeen,mariddii jidadkana dhiiqada iyo dhul-rif kaga go’een.
Taasi waa runta oo aanu dhammaanteen marqaatiga iyo madal-joogga u nahay oo war iyo wicaalli inaguma seegana in dacda jiifta iyo daadadka godadka ka jeexday dartood wadooyinka magaalada intooda badan looga caagay oo aanu dad iyo gaadiidba surumo yar yar oo cariiri badan isku buurrano si aanu isweydaariyeyaasha(suuqyada) waaweyn iyo goobaha kaloo aan danta ka leenahay u gaadhno.
Waxaan kaloo xog ahaan uga dheregsannahay, foog kastana indheheena oo shan ah ku aragnaa in lo’da iyo dameeraha magaalada ku dhex gafrani ay ayaguna saalada iyo dhiriqda ku biirinaya biya galshaanta ah ee laamiyada ceegaaga taasoo indhaha dadweynaha dhibaysa, faya-qabka uurka hoosena halis galinaysa.
Bullaacado buux dhaafay oo karkaarada jabsaday, qashin ay daadadku soo xaaqeen oo waddooyinka dhex karooran, iyo haadaamo ay biyuhu qodeen oo kaylo afka xaabo ka saarantahay noqday ayaa bilicdii magaalada basar xumo u rogay, bed-qabkii bulshadana waxyeello isha baarkeeda u soo jirta u keenay.
Haddaba furdaaminta dhibaatadan yaa u xil-qaba ma dowladda hoose?, tan dhexe, ma bulshadoo dhan qof walba iyo karaankiis?, mase cid kaloo wax hagaajinta doonta ayaa soo socata oo la sugayaa?
War-celintaad weydiimahan u hayso ku labayso tan aan anaguna biyo kama dhibcaanka u arkay oo ah:
1) Waa tii la yidhi “dad tashaday cir waa toli karaan taago labadeede” dadka magaalada iyo guud ahaanba Soomaalidu waa inay u guntadaan sidii qolo waliba ay xaafaddooda iyo jidadka ay maraan u hagaagsan lahaayeen, qof walba iyo qoys kastoo meel deganina ay si hagar la’aan ah isugu xil-qaamaan inay intii karaankooda ah wax ka qabtaan.
2) Maamulka gobolka iyo dowladda dhexe waa inay la yimaadaan tabo iyo xeelado lagu maarayn karo biyaha xilli roobaad kasta wadooyin halbowlaha ah fariista iyo bulcaadaha magaalada dhex qulqulaya oo urkooda iyo arag xumadooda loo adkaysan la’yahay, ayna qaataan kaalin hugaamineed oo ay bulshada ku abaabulayaan si wax looga qabto dhibaatooyinkii aanu sare ku soo tibaaxnay.
3) Lo’da iyo Dareemaha waa in loo sameeyaa seerayaal lagu xareeyo oo laga qabto magaaladan ay dhex wareegayaan, dadka lihina ay ceshadaan si saaladooda iyo suurad-xumayntooda looga nabad-galo.
WQ. Liibaan Axmad Xirsi