Nigeria oo xaqiijisay sii deynta 100-ruux oo la heystay 42 cisho

Cidamada  Boliiska ee fadhigoodu yahay gobolka Samfara ee waqooyi-galbeed dalka Nigeria ayaa sheegay in wadahadallo waanwaan ah lagu sii daayey 100 –ruux oo 8-deedii bishii Juun ee la soo dhaafay ay kooxo burcad ah ka afduubteen gobolkaasi.

Mohammed Shehu, afhayeen u hadlay  Boliiska Zamfara ayaa hadal uu baahiyay ku sheegay in aysan jirin wax madaxfurasho lacageed ah oo lagu bixiyay dadkaasi oo u badnaa  haween iyo caruur.

Dadka la sii daayey oo u badnaa haween iyo caruur,ayaa laga afduubtay tuulada Manawa 8-dii Juun ee bishii la soo dhaafay .

Ilo xog ogaal ah ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in burcadu ogolaatay in la siidaayo dadka tuulada la afduubtay ka dib markii booliska iyo maamulka gobolka “ay u xaqiijiyeen in aan wax talaabo ah laga qaadi doonin kooxdaasi burcadka ah.”

Tan iyo bishii Diseembar sanadkii 2020-kii in ka badan 1,000 qof ayaa la afduubtay,Intooda badanna markii dambe waa lasii daayay sida la sheegay,kadib markii madax furasho la bixiyay, halka qaar qaar ladilay.