Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Shire ayaa ku dhawaaqay in horaanta sanadka soo socda ama sadexda bilood ee ugu horeysa sanadka 2026 lagu dhawaaqi doono natiijada shidaal qodista ee Soomaaliya.
Wasiirka oo ka qeybgalay barnaamijka kulanka toddobaadka ee warbaahinta qaranka ayaa sheegay in lagu jiro gabagabada baaris iyo sahan lagu sameeyay xeebaha Soomaaliya,gaar ahaan goobaha lagu tuhunsan yahay kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu caddeeyay in ay si dhow ula socdaan macdan baris sharci darro ah oo uu tilmaamay in ay ka jiraan deeganno kamid ah W/Galbeed,W/Bari iyo Sanaag.
Daahir Shire,waxa uu dhinaca kale xaqiijiyay in cid kasta oo Soomaali ah ay xaq u leedahay in gacan lagu siiyo wixii macdan ah ee la doonayo in laga soo saaro gudaha dalka,balse loo baahan yahay in lagu wargaliyo dowladda Soomaaliya.
Gabagabadii Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS waxa uu qiray in ay kalsooni fiican ku qabaan shidaal qodista Somaalia,isla markaana horaanta sanadkaan lagu dhawaaqi doono natiijada sahanka ee shidaal qodista.

