Natiijada Imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir oo lagu dhawaaqay

Agaasinka guud ee Waxbarashada Dowladda Hoose ee Xamar ayaa maanta shaaciyay Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir kaas oo ay sanadkaan u fariisteen 34,792 arday oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal.

Waxaa gudbay oo natiijo wanaagsan keenay 32,689 arday oo kamid ah ardaydii u fariisatay imtixaanka, halka ay hareen ama natiijadii la rabay aysan la imaan 2,103 arday.