Gacmo wadajir ayey guul ku dhaliyaan haddii uu jirin waddani daacad ah oo u taagan danta guud iyo kuwo la shaqeeya waxba mahagaagaan waxaan kale oo aan ognahay in dowladnimadu tahay jaran jaro, kala dambeyn iyo kala amar qadasho.
Waxaa laga doonayaa ruux kasta in laga helo damiir waddanimo iyo aragti dheer ee uu ummadda ugu shaqeeyo haddii aan la helin amar qaadasho iyo kala dambeyn iyo isla xisaabtan waxba nooma hagaagayaan ,
Howl kasta markii loo soo jeesto gaar ahaan danta guud ayey hagaagtaa waxayna ka dambeysay ka dib markii uu canaan iyo kormeer isugu daray guddoomiyeyaasha gobolka banaadir oo ah duqa magaalada muqdisho mudane yuusuf madaale, ayaa si deg deg ah boorka laga qaaday waddooyin badan iyo xaafado ka mid ah magaalada xamar.
waxaa iftiimay meelahii awal uu ka muuqatay boorka iyo bacaha iyo kartoomada dhagaxda iyo meelahii lagu shubi jiray biyaha wasaqda ah, arrintaas waxaa farxad ku soo dhoweeyey dadweynihii deganaa meelaha laga shaqeyey waxayna mid waliba meesha laga xukumo iyo inuu jiro maamul degmo.
maamulka degmooyinku wuxuu bixiyey amar ay usoo jeediyeen xaafadaha iyo mid waliba degmada uu xukumo waxayna usheegeen in dib dambe wasaq loogu shubi Karin goobaha laga shaqeeyey qashin iyo wasaq dambe.
Guddoomiyaha gobolka banaadir isla markaasna ah duqa magalaada muqdisho uu san har iyo habeenba nasan uusanna ka daaleyn shaqadiisa ee uu u soo jeedo xilli walba laamahiisuna ay la shaqeyn doonaan.
Maamulka gobolka waa iney ogaadaan nadaafaddu inay tahay nolosha barkeed iyo quruxda iyo bilicda magaalada.
madaxda goblku waxay had iyo jeer guubabiyaan dadwenaha ku nool magaalada caasimadda, bulshadana waa inay la shaqeeyaan gobolka iyo degmada uu ku nool yahay, sidoo kale waana in ay iska kaashadaan nadaafadda iyo amniga iskaashigu waxuu keenaa awood intaa ka dibna waxaa hagaagaya wax badan oo hadda aad u liita.
Dhanka kale, waxaa jira waddooyin yar yar oo dhaxmara xaafadaha kuwaasoo u baahan wax ka qabasho, sidoo kale, waxaa wax ka qabasho u baahan meelaha biyo mareenka ah oo lagu xiray dhismeyaasha waxayna u baahan yihiin in la maareeyo iyaga iyo waddooyiunka qaladka lagu xiray waayo biyahu waxay u baahan yihiin meel ay maraan.
Sideedaba biyuhu waxay dhaliyaan wasaq aad u badan waxayna soo celiyaan qoryaha dhagaxda, waraaqaha iyo bacda duuleysa ka dibna waxaa ka dhasha mulimuliga iyo wasaq ureysa.
Arrintan waxay dhibaato ku heysaa dadka waddada maraya.
sidaas awadeed, waxaan Amman iyo bogaadin u soo jeedineynaa madaxda gobolka oo si aad ah isaga xil saaray nadaafadda gobolka banaadir.
waxaan dadweynaha gobolka banaadir u soo jeedineynaa in si daacad ah loola shaqeeyo mas,uuliinta gobolka banaadir si ay u hagaagaan amniga iyo nadaafadda magalada xamar.
Waxaana dadka goobahaas ku nool u soo jeedinayaa in ay garab istaagaan maamulka gobolka iyo degmada.
Sidoo kale, waxgaradka iyo dhaqanka waa inay wacyigeliyaan oo waaniyaan shacabka ku nool deegaamadaas, si dadku ugu farxaan shaqada la qabtay ee xaquuq ahaan u heshay degmadooda, taasoo keeneysaa in xaafad walba laga arko nuur.
Haddaba, madaxda sharafta leh ee gobolka iyo duqa magaaladaba inay halkaas ka sii wadaan horumarka iyo hiigsiga qurxinta caasimadda, shacabkuna waa inay gacmo furan ku soo dhaweeyaan howlaha la qabanayo iyo horumarka degmadooda.
WQ: Abwaan Gabayre