Markii aad isha mariso waddooyinka mara magalada muqdisho caasimadda waddanka soomaaliya ayaa waxaa kuu muuqanaya burbur iyo qashin tuuran oo yaal waddada dhexdeeda iyo hareeraheeda.
waxaa goobahaas qaar qashinka uu gaaray heer meel fog laga soo uriyo, taa badelkeedana waxaana si aad ah looga shaqeeyaa waddada dheer ee isku xirta Ex koontarool afgooye iyo madaxtooyada dalka looga arrimiyo taasuna ma ahan mid dabooli karta nadaafadda looga baahan yahay magaalada muqdisho.
Gobolka banaadir wuxuu ka kooban yahay toddobo iyo toban degmo oo loo yaqaan degmooyinka gobolka banaadir oo mid waliba uu leeyahay guddoomiye degmo iyo maamul buuxa oo loogu tala galay in ay gutaan xilka ka saaran degmadaas.
Mas’uuliyiinta degmada waxaa loo edmaday in ay ka warqabaan waxa ku soo kordha degmadooda una shaqeeyaan umaadda.
Sida badan markii ay da’aan roobabka waxaa iska caadi noqotay daadadka ka soo rogmanaya meelo kala duwaan in ay baabiyaan shacabka danyarta ah ama ay waxyeello kale gaarsiiyaan.
Roobka gu,ga ee aan oran karno halmaalin gelinkeed ayaa uu da’ay isla markaana waxaa soo if baxay khasaaraha durbadii gaaray shacabkii dan yarta ahaa ee ku noolaa guryaha xooshadaha ah oo bacaha ka sameysan
Waxaa markiiba arkeysay qashin iyo qoryo ay wadaan daadadka kuwaasoo mee l kasta buux dhaafiyey ayaa si toos ah ugu habsaday laamiyadii iyo barxadihii
khasaare iyo burbur aan la soo koobi karin ayaa saacado gudahooda soo gaaray shacabka qaarkood ee aan awoodda u lahayn in ay degaan meelo ka dugsoon Meesha ay manta deggan yihiin
haddaba nadaafaddu waa bilicda iyo quruxda magaalada iyo caafimaadka bulshada haddii uu waddada qashin yaallo indhahu kuma raaxeystaan dhismayaasha waddada hareeraheeda ah bilic iyo qurux ma yeeshaan lamana eegi karo, barqadii lama fariisan karo habeenkiina iskaba daa laguma ganacsan karo, waddooyinka magaalada mid kasta degmo ayey martaa oo ay ka tirsan tahay, sidaas awgeed dadka soomaaliyeed waa iney dhowraan iyaguna nadaafadda degaanka ay deggan yihiin mas’uuliyadna iska saaraan laguna koontaroolaa.
Sidoo kale, waa in la hubiyaa meel kasta oo ay ka muuqato wasaq ama biyo fariisteen kuwaasoo sida badan dhaliya ur aan caadi ahayn
Dhanka kale, waaxyaha iyo laamaha degmada waa in la helaa isla xisaabtan dhab ah oo ku aaddan nadafadda degmada laguna tartan siiyaa waxaaha iyo laamaha midba midda ay ka nadaafad badan tahay.
Talo guud.
Madaxda dowladda hoose iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo weliba heer laan iyo wax waa in la helaa isla xisaabtan dhab ah oo ku wajahan bilicda iyo nadaafadda degmo waliba heerka ay ka joogto horumarka dalka.
Waa hubaal in ay jiri doonaan kuwo heer wanaagsan ka gelaya tartankaas kuwana ay hoos mari doonaan, balse waxaan habboon in la joogteeyo tartanka noocaasi ah ee loo qabanayo degmooyinka iyo xaafadaha ay ka kooban tahay muqdisho
WQ:Abwaan Gabayre