Nabad-diidka Al-Shabaab oo laga ciribtirayo deegaanada ku xeeran Buula-burde

Ku-simaha Taliyaha qeybta 27-aad gaashaanle sare Isaaq Cusmaan Idiris ayaa maanta kormeeray furumaha ay ciidamada xoogga dalka kaga sugan yihin dagmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa cidanka ka wareystay xaaladooda iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin la dagaalanka argagaxisada Al-shabaab, wuxuuna cidamada faray iney u diyaar-garooban dagaal ka dhan ah nabad-diidka lagana sifeeyo deegaanada hoos yimaado dagmada Buulo-burte.