Myanmar :Aung San Suu Kyi oo lagu xukumay 4-sano oo xarig ah

Maxkamad ku taal dalka Myanmar ayaa afar sano oo xarig ah ku xukuntay hogaamiyihii xilka laga tuuray ee Aung San Suu Kyi,sida ay sheegeen warbaahinta dalkaasi.

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Haweeneydaasi  ay wajahday 11 dacwadood oo ay ku jireen eedeymo ah kicinta mucaaradka iyo jebinta xeerarkii loo qorsheeyay ka hortagga cudurka Covid 19.

Aung San Suu Kyi ayaa muddo 10-bilood ah ku jirtay xabsi guri,ka dib markii ciidamada dalka Mayanmaar ay bishii Febraayo ee la soo dhaafay ay la wareegeen talada dalkaasi.

Madaxweynihii hore Win Myint ayaa sidoo kale lagu xukumay afar sano oo xarig ah,mana cadda ninkaasi iyo Aung San Suu Kyi in la dhigi doono xabsiga iyo in lagu heyn doono xabsi guri.