Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS Mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa maanta kulan la yeeshay madaxda sare ee shirkadaha isgaarsiinta dalka, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta tayada adeegyada isgaarsiinta ee Soomaaliya iyo xoojinta wada-shaqeynta.
Kulanka oo uu goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo saraakiil sare oo ka kala socday shirkadaha isgaarsiinta, ayaa lagu falanqeeyay heerarka kala duwan ee uu soo maray adeegga isgaarsiinta dalka, caqabadaha taagan, iyo hiigsiga guud ee Soomaaliya ee dhanka horumarinta isgaarsiinta iyo dhijitaalka.
Wasiir Maxamed Soomaali ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay ka go’an tahay dhijitaaleeynta dalka iyo dhisidda hannaan casri ah oo lagu hormariyo isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda, si bulshadu uga faa’iideyso adeegyo isku halayn leh oo casri ah.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay shirkadaha isgaarsiinta doorka muuqda ee ay ku leeyihiin kobcinta adeegyada iyo joogteynta isku xirka bulshada Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiinta ka socday shirkadaha isgaarsiinta ayaa dhankooda soo dhaweeyay dadaalka iyo hoggaanka Wasaaradda, iyagoo bogaadiyay kaalinta ay wasaaradu ku leedahay hagaajinta iyo tayeynta adeegyada tiknolojiyadda ee dalka.


