Muxuu ku saabsan yahay heshiiska Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS iyo EUCAP?

Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa goobjog ka noqday heshiis ay si rasmi ah u wada saxiixeen Agaasimaha guud ee Wasaarada Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda ee DFS Mudane Axmed Yuusuf Cabdulle iyo Madaxa EUCAP ee Soomaaliya.

Munaasabadaan waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Maareeyaha Dekedda Muqdisho Mudane Danjire Maxamed Cali Nur (Ameriko) iyo Safiirka Midowga Yurub u fadhisa Soomaaliya Mrs. Francesca Di Mauro.

Heshiiskan oo ah mid iskaashi ah oo la xariira sidii Midowga Yurub ay u taageeri lahaa qalabeynta xarunta Samatabixinta Dhibanaayasha Badda ee MRCC, kaas oo qeyb ka ah mashaariicda lagu xoojinayo horumarinta Dekedda magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in DFS ay ka go’an tahay sidii loo horumarin lahaa Tayada iyo Wax soo saarka Dekaddaha dalka.