Muxuu daaranyahay Dhoolatuska Diyaaradaha Dagaalka Masar iyo Faransiiska ay sida wada jirka ah usoo bandhigeen?

Diyaaradaha Dagaalka dowladaha Masar iyo Faransiiska ayaa si wadajir ah u sameeyay dhoolo tus ay kusoo bandhigayeen awoodooda, waxayna diyaaradahan hawada sare ku sameeyeen dhoolo tusyo cajiib ah oo ay ku jirtay howl shidaal siin ah.

Dhoolo tuskan ay sameeyeen ciidamada cirka Masar iyo kuwa Faransiiska ayaa waxaa ka qeyb qaatay Diyaaradaha Dagaalka noocyadii ugu danbeeyay oo kala ah Mirage 2000, Rafale iyo F-16.

Afhayeenka Milliteriga ee dalka Masar ayaa sheegay in dhoolo tuskan yimid iyadoo la raacayo Jadwalka Shaqo ee lagu xoojinayo Iskaashiga Milliteriga ee u dhaxeeya dowladaha Masar iyo Faransiiska.

Dowlada Masar ayaa mudooyinkii dambe waday dhoolo tusyo ay kusoo bandhigeyso awoodeeda, waxa ayna dhoolo tusyadan imaanayaan xili Masar uu khilaaf ka taaganyahay buuxinta biyo xireenka Wabiga Niil ee kala dhaxeeyo dowlada Itoobiya.