Muwaadin Soomaaliyeed oo loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Golaha Sharciga Bariga Afrika

Lusaka – G/Sare Axmed Khalliif Jiinow ayaa loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Golaha Sharciga Military-ga Afrika ee u qaabbilsan gobolka Bariga Afrika.

Korneyl Axmed ayaa ku guuleystay codeynta doorasho oo ka dhacday magaalada Lusaka ee dalka Zambia.

G/Sare Axmed Jiinow ayaa sharciga Ciidamada ku dhex jira in ka badan 15 sano, wuxuu ka mid yahay ku xigeennada xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, sidoo kale waa la-taliyaha dhanka sharciga Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.