Musharaxa JSP oo socdaal ku maraya degmooyinka Galmudug

Waxaa si weyn magaalada Caabudwaaq loogu soo dhaweeyay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Ururka JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayay oo safar ku maraya degmooyinka iyo deegaanada Galmudug.

 

Soo dhoweynta wafdiga Musharax Liibaan oo ahayd isku soo bixii ugu ballaarnaa ee Caabudwaaq muddooyinkii u dambeeyay ka dhaca ayaa waxaa isugu soo baxay kumannaan shacab iyo masuuliyiin ah oo si diirran u qaabilay musharaxa iyo wafdigiisa.

 

Mudane Liibaan Axmed Xasan oo khudbad u jeediyay kumannaanka shacabka isugu soo baxay fagaarayaasha degmada Caabudwaaq ayaa soo bandhigay ballanqaadyo uu ku horumarinayo Galmudug, gaar ahaan Caabudwaaq, isaga oo shacabka ka codsaday inay taageeraan hannaanka dimuqraadiyadda iyo hirgelinta doorashada qof iyo codka ah ee Galmudug ka socota.