Murrashaxiinta u tartamaysa kursiga Hop154 oo Maanta la diiwaangeliyay

Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed SEIT ayaa Shahaadad Musharaxnimada Gudoonsiiyey Sareedo Maxamed Cabdalla iyo Nasteexo Maxamed Yuusuf oo ku Tartamaya kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop154.

Kursigaan ayaa ka mid ahaa kuraas hore loo qabtay balse doorashadiisa kadib waxaa soo baxday in aan loo marin habraacii saxda ahaa ayada oo guddiga doorashooyinka heer federaal ay amreen in lagu celiyo qabashada doorashada Kursigaan, waxana Doorashada kursiga la qaban donaa maalmaha soosocda.