Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo daahfurtay kulanka wadatashiga Istaraatiijiyadda ka qayb gelinta haweenka ee dowladdaha hoose.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka & Dib u Heshisiinta XFS ayaa maanta ka daahfurtay Magaalada Muqdisho kulanka wadatashiga Istaraatiijiyadda ka qayb gelinta haweenka ee dowladdaha hoose.

Kulanka ayaa waxa kasoo qayb galay Wasaaradda haweenka Dowlada Soomaaliya , Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Haweenka ee Dowlad Goboleeyada Dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno ka socda ururada Bulshada rayidka.