Kusimaha Xeerilaaliyaha guud ee Qaranka garyaqaan Cabdirisaaq Macalin Xuseen ayaa maanta Tababbar u soo xiray Xeer ilaaliyeyaal ka kala socday heer federal iyo heer dowlad goboleed
Tababbarka oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Tababbarka Garsoorka Soomaaliya ayaa lagu baranayaa ka hortagga lacag dhaqidda iyo ladagaallanka maalgelinta argagaxisada, Tabbbarka ayaa Ujeeddkiisu ahaa xoojinta aqoonta iyo fahamka xeer ilaalinta ee ku aaddan ka hortagga lacag dhaqidda iyo la dagaallanka maalgelinta argagaxisada.


