Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu dabaaldagayo maalinta Qaran ee 1-da Luuliyo oo ku asteysan Midowga dalka iyo xoriyadda gobollada Koonfureed oo maanta laga joogo 66-sano.
Munaasabadda waxaa ka qaybgalaya madaxda Qaranka, ciidamada qalabka sida iyo qaybaha bulshada, waxaana lagu soo bandhigayaa farshaxan sare iyo cudud ciidan oo muujinaysa sida ay ciidanka Qaranku u dhismayaan.
Ciidamada cirka oo wata diyaarado kala duwan iyo Ciidanka Dhulka oo ku hubaysan gaadiid gaashaaman oo casri ah ayaa ka qaybgalaya munaasabadda.
Bashiir Maxamed Jaamac wasiirka deegaanka dowladda FS ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in agaasinka munaasabadda sanadkan uu sarreeyo, islamarkaana uu muujinayo sida dalku uga soo kabanayo burburkii soo gaaray.

