Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay Shirkii Wadatashiga Qaran ee ka-jawaabista xaaladda degdegga ah ee abaarah, kaas oo ay ka qayb qaateen hayโadaha dowladda iyo ururrada haweenka u dooda xuquuqda. Shirku wuxuu diiradda saaray saameynta abaarta ku yeelatay haweenka, carruurta, iyo bulshooyinka nugul, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ka-jawaabista baniโaadannimo ee ku saleysan xog, caddaalad, iyo baahiyaha dhabta ah ee dadka ay dhibaatadu saameysay.
๐๐ซ. ๐๐ฌ๐ฆ๐๐๐๐ข๐ข๐ฅ ๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐ฅ๐, Madaxa Mashaariicda SoDMA, oo shirka soo xiray, ayaa sheegay in lagu heshiiyay Sedex qodob si Haweenku qeyb uga noqdaan Howlaha Gurmadka:
1. In dhammaan aragtiyadii ururrada haweenka la mideeyay si ay qeyb uga noqdaan qorshaha badbaadinta dadka ay abaartu saameysay.
2. In ururrada haweenka la mideeyo si ay u yeeshaan hal hoggaan oo ka qeyb qaata samatabixinta dadka Soomaaliyeed.
3. In haweenka Soomaaliyeed codkooda gaarsiiyaan meel dheer si loo hubiyo in gargaar loo fidiyo dadka nololshoodu halis ku jirto.
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย 

