Muqdisho oo lagu soo gabagabeeyay Madasha Isku-xirka Nidaamyada Digniinaha Khatarta Badan ee Soomaaliya

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay shirkii ugu horreeyay ee lagu dhisayo Madasha Isku-xirka Nidaamyada Digniinaha Hore ee Khatarta Badan ee Soomaaliya, kaas oo socday muddo Shan maalmood ah.

Shirkan muhiimka ah oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), ayaa waxaa ka soo qayb galay hay’adaha dowladda, ururrada caalamiga ah, iyo daneeyayaasha ka shaqeeya digniinta hore iyo maareynta musiibooyinka.

Ujeeddada shirka ayaa ahayd in la mideeyo nidaamyada kala duwan ee bixiya digniinaha hore, si loo abuuro nidaam qaran oo isku dhafan oo awood u leh ogaanshaha, ka hortagga iyo jawaab degdeg ah oo lagu maareeyo khataraha iyo musiibooyinka soo food saara dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo xiray shirka, isagoo uga mahadceliyay dhammaan ka qaybgalayaasha dadaalkii ay muujiyeen iyo ansixinta nidaamka isku-xirka Nidaamyada Digniinaha Hore ee Khatarta Badan ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa ku tilmaamay shirkan tallaabo taariikhi ah oo dhabbaha u xaaraysa dhismaha nidaam casri ah oo qaran, kaas oo gacan ka geysan doona yareynta halista musiibooyinka, korna u qaadi doona awoodda dalka ee u diyaar garowga degdegga ah.

Guddoomiyaha SoDMA “Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dhammaan hay’adaha dowladda, daneeyayaasha iyo bahda caalamiga ah ee gacan ka geystay hirgelinta iyo ansixinta nidaamka isku-xirka. Tani waa guul wadajir ah oo u horseedi doonta Soomaaliya mustaqbal adkeysi leh.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha ayaa ku boorriyay dhammaan daneeyayaasha inay sii xoojiyaan iskaashiga iyo wada-shaqeynta si loo hirgeliyo nidaamka cusub, loona hubiyo in fariimaha digniinta hore ay si hufan u gaaraan bulshada Soomaaliyeed.