Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana lagu maamuusayay Maalinta Caalamiga ah ee Furdooyinka ayaa shalay lagu qatay magaalada Muqdisho, taas oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiinta sare ee wasaaradda Maaliyadda, qeybaha kala duwan ee maamulayaasha Furdooyinka, ganacsato iyo saraakiisha Hoggaanka ilaalada cashuuraha.
Agaasimaha guud ee wasaaradda mudane Suleymaan Sheekh Cumar, Agaasimaha furdooyinka mudane Abukar Sh Ahmed Mursal, Taliyaha Hoggaan Ilaalinta Canshuuraha & Dhaqaalaha Gen. Abdullahi Hassan Bariise , Maamulaha Furada Dekedda Xamar mudane. Osman Adawe , Maamulaha Furadad Garoonka AAIA mudane . Osman Cariif, Guddoomiye Xigeenka Rugta Ganacsiga Xaaji Galaambe iyo masuuliyiintii kale ee munaasibadda ka hadal jeediyay waxa ay isku raaceen in Furdooyinku ay yihiin Isha ugu muhiimsan dhaqaalaha iyo horumarinta Dakhliga Dowladda.
Mudane Suleymaan Sheekh Cumar, Agaasimaha Guud ee W.Maaliyadda XFS ayaa hambalyo kadib u mahadceliyay dhammaan Madaxda iyo Saraakiisha Furdooyinka oo uu sheegay in uu qirsan yahay in ay qabteen howl muhiim ah dib-u-habeynta iyo kobcinta dakhliga, agaasimaha guud ayaa sidoo kale sheegay in casriyeeynta hannaanka dakhli uruurinta ay qeyb lixaad leh ka qaadatay kororka dakhliga gudaha, waxa uuna intaa ku daray in la sii horumarin doono qaabka shaqo ee Kastamyada Dowladda.