Muqdisho oo lagu qabtay kulan la xiriiray fahamka carruurta la-nool Autism-ka

ulan wacyigelin ah oo ku saabsan sare u qaadida fahamka bulshada ee carruurta la-nool xaaladaha Autism-ka ee ay keenaan cudurada ku dhaca neerfaha ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen Hey’adda Daryeelka Carruurta Soomaaliyeed oo gacan ka helaya Daladda Qurbo joogta Soomaaliyeed waxaa ka qeybgalay qaar kamid ah ururada bulshado,dhaqaatiir,khuburro ku takhasustay maskaxda aadanaha iyo marti sharaf kale.

Kulankaan oo diiradda lagu saaray la socodka xaaladaha carruurta,gaar ahaan kuwa qaba baahiyaha gaarka ah waxaa ka hadlay MadaxaHey’adda Daryeelka ee Carruurta la nool Autismka Caa’isho Axmed iyo Faa’isa Xasan Sabriye oo ka socotay Dalladda Qurbo joogta.