Muqdisho oo Beri looga Dareerayo Codbixinta Doorashada Goleyaasha Deegaanka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Waxa Beri oo Khamiis ah 25-ka Bisha Diseember 2025 Magaalada Muqdisho looga dareerayaa Doorasho ay Dadweynaha Gobolka Banaadir ku soo Dooranayaan Metelayaashooda Goleyaasha Deegaanka.

Doorashada ayaa Beri ka dhici Doonta 16 Degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir iyadoo tan uga dhigan tahay Shacabka Soomaaliyeed fursad ay dib ugu helayaan Xuquuqdooda Cod Bixineed.

Gudidda Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa hore ugu dhawaaqay in ay Doorashada is Diiwaangeliyeen Shacabka gaaraya Hal Malyan oo Qof,halka Ururada Siyaasadda ee ka qayb gelaya ay yihiin 20 Urur Siyaasadeed,Gudiga ayaa sidoo kale sheegtay iyadoo wadarta musharaxiinta ka qayb gelaysa doorashada yihiin 1,604 musharax oo u tartamaya goleyaasha deegaanka gobolka Banaadir.