Roobab xooggan oo fatahaado dhaliyey ayaa ka da’ay meelo kala duwan oo dalka ah haba ugu badnaadeene magaalada Baydhabo oo ilaa 26 qof agu warramay in ku geeriyoodeen isla markaana ay ku barakaceen dad aad u fara badan oo halkaasi deggan.
Magaalloyin kale oo ay ku jirann Gaaalkacyo, Luuuq , Afgooye iyo kuwa kale ayaa iyna da’ay isla markaana ay fahahaado ka dhasehhn iyadoo saadaashii laha bixiyeyy dabaysha roobabka wadata ee elnino ay haatan soo baxayso.
Magaalada Muqdisho ayaa haatan roobabku ka curteen iyadoo durba la dareemayo in ay dhibaato geysanayaan isla markaana ay tani soo banbixisay qorshe xumada waddooyinka iyo sidii loo heli lahaa biyo mareeno ku filan magaalada .
“Arrintani wey soo noqnoqotay uma jeedno cid dooneysa in ay xalliso “ ayuu yiri oday Soomaaliyeed oo ka mid ah ganacsatada ku nool Muqdisho kaas oo goobtiisa ganacsi oo ku taalla agagaarka Buulo Xuubay ay biyo ugu galeen.
Isaga oo kelya ma aha ee waxaa la qabato dadka intiisa kale oo ay ku jiraan wadayaasha bajaajyada oo ka cabanaya in aan wax badan laga qaban waddooyinka “Annagu canshuur baan bixinaa hadana waddooyinkii aan adeegsanaynay biyo ayaa fadhiya “ ayuu yiri Mukhtaar Cabdi Maxamed oo bajaajtiisu ay ugu dhex dantay daadad ku soo rogmaday mid ka mjd ah waddoyyinka .
Wax yar oo roob ah haddii uu da’o waxaa go’doon gala qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho oo ay biyuhu gooyaam waddooyinka kna dhiga kuwo aanay isticmaali Karin dadka iyo gaadiidika waxayna arrinyani xannibtaa hoowlihii dad badan oo arday, shaqaale , ganacsato iyo garab rarato ah oo quultul maalmeedkoodu ku xirnaa in ay soo kallahaan.
“Mararrak qaar waxaa dhacda in aan maalin dhan shaqeysan waayo oo aan xannibmo oo gaasigeyga caasiga aan soo biixin waayo” ayuu sheegay Axmed Cabdiqadir Axmadey oo ku nool degmada wadajir kana mid ah gaadiidleyda ku xoogsata gaadiidka dadweynaha ee Caasiyada loo yaqaano.
Dhibaatooyin ayaa Iyana soo wajaha dadka u badan barakayaaahsa eek u nool duleedka iyo hareeraha magaalada oo xilliyadan oo kale saareynta ugu weyn ee roobabk ay iyaga aya ku dhacdo .
Dadkani waxay ku nool yihiin guryo cooshado iyo baakooyin ka sameysan mana helei karaam gabbaad fiican oo ay ka galaan roobabka oo ay u dheer tahHY IN y guryH ku xNIIBMn oo ay soo bixi waayaan si ay u maareeyaan nolosha qoysaskooda oo ku dhusan waxa ay ka helaan wallaalahooda.
Waxaa jira dhawaaqyo iyi baaqyo k saabsan in wax laga qabto dhibaatada ka hor inta aanay dhicin oo magaalada ay yeelato qorshe wanaagsan oo biyo ka saaris ah .
Inta badan magaalada kama jiro qorshe noocaas ah waxaana yar inta la heli karo dhuumaha dhulka hoostiisa mara ee biyaha saara magaalada.
Wadooyiinka ayaa Iyana sameyntooda marka loo baahan yahay in loo sameeyo qorshe wanaagsan oo shirkadaha dhisaya ay nooqdaan kuwo lagu aamnini karo howshaas oo aan sameyney waddooyin isla markiiba burburaya marka roobku da/o sida hadaba dhacda.
Maamumuka gobolka oo muddooyinkan dambe waday dhisme waddiyin cusub ayaa laga filayaa in ay qorshaha ku darsadaan in la heli dhuumo dhulka hoostiisa mara oo loo sameeyo waddooyinka magaaaladana loo sammeeyo hannaan biyaha geynaya badda.
Qorshaha noocan ah ooh ore uga jiray magaalada ayaa ku burburay dagaaladii sokeeye markii la dhistay ama la duugay biyo mareenadii taas oo u baahan in haatan mar kale dib loo eefo oo laga fekero dhismaha hannaan biyo saarid oo casri ah.
WQ: Maxamed Shiil