Munaasabadda dhaarinta Xildhibaannada barlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan si toos ah ugu soconaysa hoolka teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.
Tiro badan oo ka mid ah xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa haatan maray dhaarta, halka inta hartayna lagu wado in dhowaan lasoo gebagabeeyo.
Dhinaca kale, waxaa munaasabadda dhaarta ah barbar socota shahaado siinta xildhibaannada BFS, kuwaas oo ay ku jiraan mudanayaal maanta kasoo ambabaxay magaalada Baydhabo, kadib markii la xalliyay tabashadii ay qabeen mas’uuliyiinta maamulka Koofur galbeed.