Munaasabad xilka kula wareegayay Guddoomiya cusub ee Gobolka Banaadir oo lagu qabtay Aqalka Dowlada Hoose ee xamar

Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Ahaana Duqii Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee xamar, kana soo qeybgaleen Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Wasiiro, Xildhibaano, Odiyaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada, ayaa waxa ugu horreyn ka hadlay Guddoomiyahii hore ee Gobolka Banaadir ahaan duqa Caasimadda Muqdisho Md Cumar Filish, asigoo u mahadceliyay Bulshada Gobolka, Howlwadeenada iyo Saraakiisha Laamaha Amaanka ee lasoo shaqeeyay inta uu xilka haayay, asigoona codsaday in lala shaqeeyo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale.

Ugu danbeyn Duqa Cusub ee Caasimada Muqdisho ayaa balan qaaday in uu ka shaqeyn doono sidii loo horumarin lahaa Caasimadda, isla markaana Bulshada loo gaarsiin lahaa Adeegyada Aas-aasiga u ah nolosha dadka.