Munaasabad lagu xusayo maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo caawa ka socota Muqdisho

Waxaa caawa magaalada Muqdisho ka socota munaasabad lagu xusayo Maalinta Dalxiiska Soomaaliya, taaso oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigayaa quruxda dhulkeenna iyo goobaha ugu wanaagsan ee lagu dalxiiso guud ahaan dalka.

Soomaaliya waxay leedahay xeebo qurux badan, taariikh fac weyn, dhaqan hodan ah iyo goobo dabiici ah oo soo jiidasho leh kuna haboon Dalxiiska.