Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Munaasabadda waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah, Mas’uuliyiinta ka tirsan Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Mas’uuliyiintii Madasha ka hadlay ayaa bogaadiyay sida Shacabka Galmudug ugu diyaar garoobeen Doorashada Qof iyo Codka ah, iyagoo ku baaqay in Shacabku ay si ballaaran uga qeyb qaataan Codbixinta, isla markaana aysan ka baaqan Maalinta Doorashada.

 

FB_IMG_1784529349826.jpgFB_IMG_1784529336435.jpgFB_IMG_1784529346887.jpg