Munaasabad lagu abaal marinayey Dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Edmonton Alberta Canada

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay Munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno iyo Xirfadleyaal isaga kala yimid Qaaradaha Waqooyi Ameerika, Yurub iyo Afrika ayadoo munaasabadda lagu abaal mariyey Shaqsiyaad bulshadooda si hufan ugu adeegay.

Munaasabaddan ballaaran ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Alberta Somali Heritage Association (ASHA) , waxaana qudbado ku saabsan xaaladaha ay Soomaalida Canada soo mareen, caqabadaha iyo fursadaha heysta ka jeediyey aqoonyahannada kala ah Prof Xuseen Warsame, Prof Afyare Cabdi Cilmi iyo Dr Xabiiba Maxamuud oo dhammaantood si guud ugu mahad celiyey qaban qaabiyeyaasha xafladda oo intaan oo qofood isku keenay (ASHA).

Guddoomiyaha Alberta Somali Heritage Association (ASHA) Cismaan Shire oo Munaasabadda ka hadlayey ayaa uga mahad celiyey kasoo qeybgalayaasha Munaasabadda waxaana uu ballan qaaday iney dhankooda sii wadi doonaan kulammada iyo munaasabadaha bulshada Soomaaliyeed iyo hal doorkooda la isugu keenayo.

Geba gebadii Munaasabadda waxaa Alberta Somali Heritage Association (ASHA) ay abaal marinno guddoon siiyeen Aqoonyahannada iyo Xirfadleeyda Soomaaliyeed ee qaaradaha kala duwan isaga kala yimid ayadoo lagu lagu dhiiri geliyey iney sii wadaan u qidmeynta dadkooda.