Qof kasta oo ku nool dunida waxaa loo baahan yahay in uu wax barto si uu u ogaado waxa uu leeyahay iyo waxa lala leeyahay iyo waxa uu u nool yahay inta uu joogo adduunka .
Adduunyada waxaa la sheegaa in waxa la barto falka in uu ugu xun yahay isagana wuxuu ka fiican yahay qofka jaahilka ah ee aan wax baran.
Ummaada hadday noqdaan ummad wax baratay isma dilaan ismana dhacaan wuxuuna garanayaa mid kasta waxa uu xaqa u leeyahay wuxuuna ka ilaalinayaa walaalkiis waxa aan munaasabka u aheyn waayo waa qof wax bartay .
Marka lagu daro aqoonta maskaxda dhaqanka ak dhexeeya dadyowga deriska ah o oleh xeerarka soo jireenka ah marka lagu dabaqo aqoonta iyo waxbarashada waxaa soo baxaya ummad miisaan leh oo is fahmeysa laakiin haddii la waayo labadaas waxba ma wada maareyn karaan.
Dhaqanka oo jira waxaa saldhig u ah aqoonta sababtoo ah waa maskax lagu daray waxbarasho miisaan ayaana ka soo baxaya kaas oo diidaya wax kasta oo fudeyd ku imaan lahaa waxayna qaadanayaan aragti maskaxeed oo fog.
Maskaxda waxaa kobciya akhriska iyo waxbarashada sababtoo ah haddaad wax soo barato oo aadan wax akhrin waxay ka dhigan tahay in aadan waxba soo baran.
Aqoonta iyo waxbarashada waxay isugu soo ururaan miisaan culus oo mas’uuliyadeed iyo hoggaamin sidaa darted wax kasta oo la doonayo in laga faa’ido waa in la akhriyaa haddii aan la akhrin waxba laga faa’idi mayo.
Faa’idada cuntada waa in la kariyo oo la bisleeyo haddii aan la bisleyn waxba laga faa’idi mayo sidaas o kale ayuu cilmigu u baahan yahay in la kariyo oo la bisleeyo.
Dadku haddii ay wax bartaan oo maskax ahaan u bislaadaan wey is jeclaanayaan oo way is xaq dhowrayaan amaanada ayey dhowrayaan ballaantana waa fulinayaan wax kasta oo soo dhexgalana cilmiga ayey ku dabaqayaan.
Waxay diidaysaa aqoontu xadgudubka oo ah qofku in uu qaato ama ku xadgudbo sharafta qof kale waxayna aqoontu sameysaa is xaq dhowr iyo is jeclaan mid guud iyo mid gaar ah.
Somaalida gees iyo gees waa in uu gaaro is jeceylka iyo is xushmeynta taana waxaa keeni kara waxbarashada .
W/Q: Abwaan Gabayre