Muhiimadda dib u howlgalinta nidaamka IATA-BSP ee Soomaaliya (WARBIXIN)

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay qabanaysaa Munaasabadda daahfurka dib usoo celinta nidaamka caalamiga ah ee Tigidhada IATA-BSP ee Soomaaliya iyo Sanad Guurada 35-aad ee Iskaashiga SCAA-IATA.

Dib u soo celinta nidaamkan waxay fursad u abuureysaa kobaca Ganacsiga, Dalxiiska iyo isku-xirka Soomaaliya iyo Dunida inteeda kale, waxayna fududayn kartaa in Shirkadaha Diyaaradaha Caalamiga ahi ay si wanaagsan uga shaqeeyaan Suuqa Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa isu diyaarinaysa dhacdo muhiim ah oo lagu horumarinayo nidaamka Duulista Rayidka, iyadoo caasimadda Muqdisho ay martigelinayso hoggaanka sare ee Ururka Caalamiga ah ee Duulista Hawada (IATA).

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan, ayaa faahfaahinaya muhiimadda dhacdadaan oo la xiriirta daahfurka la soo wareegista Soomaaliya ee nidaamka caalamiga ah ee Tigidhada iyo waxa ay Soomaaliya uga dhigan tahay dhinacyada Dhaqaalaha, Shaqo-Abuurka, Maalgashiga iyo Horumarinta guud ee Duulista Dalka.

Haddaba Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, uuna Guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ka jeediyay Warbixin ku saabsan muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay dib-u-hawlgelinta nidaamka caalamiga ah ee IATA Billing and Settlement Plan (BSP).

Maareeyaha Guud ayaa sharraxay in dib-u-howlgelinta nidaamkan ay Soomaaliya u tahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo Suuqa Safarka iyo Adeegyada Duulista, laguna xoojinayo xiriirka Ganacsi ee ka dhexeeya Shirkadaha Diyaaradaha iyo Wakaaladaha safarka Soomaaliyeed (Somali Travel Agencies), waxa uu sidoo kalena xusay doorka muhiimka ah ee ay dib-u-howlgelinta nidaamkan ka qaateen Midowga Wakaaladaha Safarka & Dalxiiska Soomaaliyeed, Midowga Shirkadaha Dayuuraha Soomaaliyeed iyo Midowga Bangiyada Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in iskaashigoodu uu qayb weyn ka qaatay suuragelinta dib-u-soo-celinta nidaamkan.

Maareeyaha Guud ayaa intaas ku daray in nidaamka IATA-BSP uu Suuqa Safarka Soomaaliyeed u furayo fursado cusub oo Caalami ah, isla markaana uu gacan ka geysan doono kobcinta Dalxiiska, Ganacsiga, Maalgashiga iyo Abuurista Fursado Shaqo.

Sidoo kale, dib-u-howlgelinta IATA BSP ayaa la filayaa inay yareyso ku-tiirsanaanta Wakaaladaha Safarka Soomaaliyeed ee nidaamyada BSP ee Dalalka kale, korna u qaaddo awooddooda ay si toos ah ugula macaamili karaan Shirkadaha Diyaaradaha ee Caalamiga ah, taas oo horseedi karta kororka Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga iyo Dakhliga ka soo xarooda Suuqa Safarka Soomaaliya.

Dib-u-soo-celinta nidaamkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu casriyeynayo Adeegyada Duulista Rayidka, laguna xoojinayo ka-qaybgalka Soomaaliya ee Suuqa Duulista iyo Safarka Caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay dib-u-howlgelinta nidaamka IATA BSP, iyagoo isla qaatay muhiimadda uu u leeyahay awoodda Soomaaliya ee maareynta iyo nidaaminta Adeegyada Tigidhada Duulimaadyada, xoojinta xiriirka nidaamyada Safarka Caalamiga ah iyo kor u qaadista tayada adeegyada Duulista Rayidka. Goluhu waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Shacabka Soomaaliyeed dib loogu soo celiyo xuquuqihii iyo fursadihii dhinaca Safarka iyo Duulista ee muddada dheer ka maqnaa.

Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dib ugu biiristeeda nidaamyada Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka, iyadoo toddobaadkan la daahfurayo tallaabo muhiim u ah Adeegyada Duulista Rayidka Dalka.

18-ka Bishan Oktoobar 2026-ka oo ku began Maalinta Axadda ah ayaa lagu wadaa in Munaasabadaasi ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho.

Maalintaas waxaa la daahfuri doonaa dib u soo celinta nidaamka Caalamiga ah ee Tigidhada IATA-BSP, waxaana sidoo kale la xusi doonaa 35 sano oo Iskaashi ah oo u dhexeeya Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) iyo Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA)

tikudhada.jpg.