Muhaajiriin dhaawacayo ka duwan qabo oo laga helay Giriigga

Ururka Dhakhaatiirta aan xuduudda laheyn, ayaa sheegay in galankii danbe ee shalay ay jasiiradda Giriigga ee Lesbos ka heleen muhaajiriin dhaawacyo kala duwan qaba oo gacmaha ka xeran.

Mas’uuliyiin ka socday MSf, aya sheegay inay heleen koox muhaajiriin dhaawac ah oo dhowaan yimid Lesbos, kuwaasi oo sida la sheegay u baahnaa caawinaad guud iyo daaweyn deg-deg ah.

MSF, waxa ay ugu baaqday Dowladda Giriigga in ay qaadaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si looga hortago soo noqoshada dhacdooyinkan oo kale iyo in la hubiyo in dadku ay helaan soo dhaweyn ammaan iyo dhamaanba adeegyada ay u baahanyahiin dadka magangalyo doonka ah.