MUDANE ILAALI SIRTA QARANKAAGA

Haddaad tahay muwaadin dhab ah oo xalaal ah mudane, Ilaali sirta Qaranka oo hadhaawicin hannaanka geedi-socodka siyaasadeed ee Xukuumadda, markasta oo uu tago sahanka Wargeyska goobaha ay ku shaahaan oo ay fariistaan waxgaradka iyo siyaasiyiinta, waxa aad loogu hadal hayaa hadallada Meediyaha oo aad qatar u ah oo hadduu hadal kaa fakado oo cadowguna ka faa’iideysto daldaloolladaada kasoo baxo hadalladaada oo ay wax ka dhacaan Waddanka gudihiisa gaar ahaan arrimaha la xiriira Amaanka dalka oo ay tahay mar walbo in si gaar ah layska xilsaaro ayaa waxaa loogu hadlaa siyaabo kala duwan.

Hadaba miyey haboontahay in Hay’addii iska laheyd una xilsaarneyd howshaas ay faafiso ama ay u iftiimiyaan cadowga inaysan Waddanku amni aheyn soo dhaawac culus kuma noqoneyso waddan amnigiisa guud ahaan? Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Nin lasugayo ayaad sugi? Waxaana loola jeedaa dadkii lagu haleynayey amniga iyo xasilloonida dalka inay Shacabka usoo gudbiyaan deyro iyo khalkhal gelin iyo inuusan dalku amaan aheyn waana tii horey loo yiri nin lagu seexdow ha seexan.

Waxaa shacabka xasilooni iyo farxad u ah markii ay arkaan ama ay maqlaan Ciidamo amni oo gaafwareegaya oo ilaalinaya nabadooda, iyadoo ayiguna ay mar waliba ku gammaan muuqaalka Qarannimo iyo ciidamada hortooda taagan isla markaasna waxay ku naaloodaan oo ay ku farxaan garab istaagooda waxay si farxad iyo kalsooni leh u dhiibaan Canshuurta waxaana dhex marta wadashaqeyn iyo kalsooni aan lasoo koobi Karin.

Difaaca ummadda Soomaaliyeed waa waajibaadyada ay xambaareen Ciidamada qalabka sida iyagoo ku dhaartay inay difaacaan diinta, dalka iyo dadka wuxuuna horumariya xubin kastoo ka mid ah Ciidamada difaaca Qaranka ilaalinta sirta Qaranka ummadda ku faanto, Hadaba ayadoo waajibaadkiisa guud ahaan sidaa yahay marna ma haboonna inuu ku abuuro qalqal  iyo cabsi gelin. Haddiise taasi ay dhacdo waxaa ka faa’iideysanayaa oo farxaya Cadowga Calanka iyo Ciidda wuxuuna gudbinayaa waa kuwaas oo wax mahayaane dhankasta aan kaweerarno iyaagaba sheegaye inaysan waxba heynin waxaana go’aya dano badan oo lagaa lahaa iyo kuwo adiga aad laheyd oo aad sugeysay  hanoqodeen kuwo siyaasadeed, kuwo dhaqaale iyo kuwo difaac intaba, waxayna leeyihiin waxba qabsanmaayeene ayey na qasaariin kuwani waa kuwan lasoo taagan waddanka ammaan ma ahan oo cadowgoodi ka farxinaya.

Hadaba, Mudanayaal lama tuso cadowgaada dhawaacaaga iyo dhanka aad ka jilicsantahay ad adeyg iyo isku filnaansho ayaa la tusaa ee ha tusin godadka daboolan ee gudahaaga ah is xalli oo la imow daacadnimo iyo ad adeyg, Ilaali sirta Qaranka iyo midda Waddanka. Ilaali marka aad tagayso idaacadaha iyo Saxaafadda  meelaha aad kula hadlayso, Ilaali erayada kasoo baxaya afkaaga oo aad adeegsanayso, hadalladaada ha ahaadaan kuwo ka farxinaya Shacabka aad amnigooda laguu igmaday haka farxin cadowga, farriinmahaagu hanoqdaan kuwo cadowga ka naxo. Soomaalidu waxay ku maah maahdaa cadowgaada Dhuux Sagaaro ayaa loogu subkadaa si aadan jiljileec lagaaga dareemin oo aan laguu oran wuu baahan yahay, Shaatigaaga ayaa la cadeystaa dhoollahana waa laga qoslaa oo marnaba baahidaada lama tuso cadowgaada.

Mudane adigoo tixgelinaya baahida maanta dalkeennu uu qabo Geesayaal waddaniyiin ah oo cadaalad ku dhaqma oo aan aheyn daneystayaal tooda uun u muuqato  oo kasamata bixiya burburka iyo iska daba wareegga ku jira dalkeenna, waxaa kaloo loo baahanyahay waddni garab gala oo taariikh fiican reeba sidii Raggii xorriyadda usoo hal gamay sida dhallinyaradii SYL, waxaana goolkaasi oo kale guushuna aan ku gaari karnaa midnimo iyo wadajir.

Qof kasta oo maanta hagardaamo iyo lugooyo noogeysta ama qarax iyo miinooyin haysku soo xiro ama sir ha gudbiyo wuxuu geysto taariikhda ayaa qori doonto mana la iloobi doono, maantana waxaa jooga dad aqoonyahano ah oo cilmigooda ku tilmaama kuwa noocaas ah oo ummadda lu gooyada ladamacsan mar walbo, waxaa kaloo jira dad waddaiyiin ah oo ka damqanaya dhibkastoo loo maleego waddanka Soomaaliyeed.

Mudanayaal iyo Marwooyin ha baayicin hilbaha shacabka Soomaaliyeed ha iibsanin Qaranka Soomaaliyeed, ha dhibaateyn dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo aad u dhalatay mar walbo ka gudbi wanaagga iyo horumarka iyo hadallo u roon dhagaha muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaa kugu filan dalkaaga iyo diintaada muqaddaska ah ee marwalbo daacad u ahow.

W/Q: Abwaan C/salaam Axmed Gabeyre