Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka ee JFS oo akhrinta koowaad marsiiyey hindise sharciyeedka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Mudanayaasha Golaha Shacabka  Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 20-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ay soo gubdisay Wasaaradda Amniga Gudaha, waxaana Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) uu mudanayaasha Golaha Shacabka u faahfaahiyey qodobada Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Intaasi ka dib maadaama Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu maray akhrinta koowaad islamarkaana aynan wax dood ah ka furneyn sida uu qabo Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, sidaasi daraadeed qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha ayaa su’aalo ku saabsan mabaadii’da guud ee Hindise Sharciyeedka weydiiyey Wasiirka Amniga Gudaha .

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka inuu la wareego hindise sharciyeedkaan islamarkaana uu soo diyaariyo akhrintiisa labaad dibna Golaha ugu soo celiyo si looga doodo qodobadiisa.