Mudaharaadyo ka dhacay dalka sudan

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Mudaaharaadyo xiriir ah ayaa ka dhacay dalka Suudaan kuwaas oo lagu dalbanayo in la baddelo awoodda milateri ee sannadkii hore xukunka la wareegtay iyo in dib loo soo celiyo xukunka rayidka ahaa.

Dibad-baxayaasha ayaa isu soo bax ka dhigay xaafadda Eldaim ee magaalada Khartoum iyo qaar ka mid ah degmooyinka ku yaalla magaalooyinka Bahri iyo Omdurman ee isku xira, sida uu sheegay wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Anadolu.

Mudaaharaadyadan ayaa imaanaya iyadoo guddiga loogu yeero wax iska caabinta oo hormuud ka ah dibadbaxyada looga soo horjeedo milateriga, ay ku baaqeen bayaan ku aaddan kacdoonka shacabka ee guud ahaan Suudaan si loo rido nidaamka militariga.

Guddiga ayaa sidoo kale ugu baaqay taageerayaashiisa in ay sabtida dambe isugu soo baxaan bannaanbaxyo ku wajahan qasriga madaxtooyada ee bartamaha magaalada Khartoum.

Ugu yaraan toban qof oo mudaaharaadayaal ah ayaa lagu dilay tobanaan kalena waa lagu dhaawacay mudaaharaadyadii ugu waawaynaa ee ka dhanka ah milatariga ee bilihii la soo dhaafay ka dhacay Suudaan.
Dhakhaatiirta la socotay dibadbaxayaasha ayaa sheegay in dhimashada ay ka dhalatay rasaas ay fureen ciidamada ammaanka ee Khartoum iyo magaalooyinka Omdurman iyo Bahri.

Booliska ayaa dhankiisa qirtay in mid ka mid ah xubnahooda uu rasaas ku furay magaalada Khartoum, iyagoo sheegay inay baarayaan dhacdada.