Mudaharaado looga soo horjeedo natiijada doorashadii guud ee dalka ciraaq oo ka dhacay Baqdaad

Dibadbaxyo looga soo horjeedo natiijadii doorashadii guud ee 10-kii Octobar  ka dhacday dalka Ciraaq ayaa Jimcihii  shalay ka dhacay caasimadda dalkaas ee Baqdaad.

Boqolaal mudaaharaadayaal ah oo gacan saar la leh isbaheysiga Fatax, oo ay ku mideysan yihiin xisbiyada badan ee Hashd al-Shaabi, oo ah ciidan taageersan Iran, ayaa isku dayay inay galaan Aagga Cagaaran, oo ay ku yaallaan dhismayaal dowladeed iyo xarumaha howlgalada shisheeye.

Dibad-baxayaasha oo iska caabin kala kulmay booliiska ayaa ku qeylinayay ereyo ka dhan ah ra’iisul wasaare Mustafa al-Kadhimi.