Mohamed El-Amine Souef oo loo magacaabay Ergeyga gaarka ah Midowga Afrika ee Soomaaliya

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika danjire, Mousa Faki Mahamat, ayaa Mohamed El-Amine Souef u magacaabay ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, isagoo bedelay Francisco Madeira oo bishii April ee sanadka dalka ka ceyriyay Ra’isul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.

Mohamed El-Amine Souef oo dhashay dalka Kamaros ayaa soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, wasiirka arrimaha dibadda, danjiraha Kamaroon ee Masar, Qaramada Midoobay  iyo wakiilka jaamacadda Carabta.

Sidoo kale, wuxuu soo noqday xubin baarlamaan iyo la taliye madaxweyne.

Mohamed El-Amine Souef ayaa hadda ahaa madaxa xafiiska magaalada Gao ee howlgalka Qaramada Midoobay ee MINUSMA  ee dalka Mali.