Maqaalkaan oo ah mid ku saabsan wacyigelin amni toosin iyo bararujin
Amniga gobolka banaadir waxaa maalmahaan dambe ka muuqda mad madoow iyo jilicsanaan iyo isku xirnaan la’aan ka dib markii ay soo ifbaxeen dhaqamo aan hore, haba ugu daraatee dilalka foosha xun, ka dib markii la xakameyn waayay sida ay tahayna loo dabaqi waayay caddaaladda, fulinta waajibaadka iyo xeerarka u degsan amniga dalka u yaalla gaar ahaan sinnaanta iyo caddaaladda shacabka.
Isbuucyadii ugu dambeeyay waxaa soo kordhay dilal kuwii ugu foosha xumaa kaasoo ka dhex dhacay dad wada ehel ah, gaar ahaan kuwa lamaaneyaasha ah, kuwa wada dhashay iyo kuwo isdhalayba ah, waana wixii ugu xumaa ee soo mara dalka, sida badanna waxaa keena isticmaalka muqaddaraadka oo si fudud loo heli karo.
Sidoo kale, argagixisada aan naxariista lahayn ee ku dhuumaaleysaneysa gobolka banaadir ee goor walba u taagaan inay dhibaateeyaan bulshada rayidka ah iy ciidammada, waxaa loo baahan yahay in xuuraan ahaan lagu soo qab qabto, laguna dabaqo xukunka sharciga ah ee la ansixiyay ee la dagaallanka argagixisada.
Amnigu waa xubinta ugu muhimsan dalka gaar ahaan caasimadda waa in loo helaa ciidammo isku dhaf ah ee heegan ku jira habeen iyo maalin gaafwareegaya, kuwasoo si raxan raxan ah u maryaa degmooyinka iyo xaafadaha gudahooda.
Waxaan si weyn ugu ammaanayaa amniga siday u ciribtireen burcaddii iyo ciyaal weeradii dadka fiiqan jirtay, waxay ahaayeen howlgallo isdaba joog ah dadkuna mahdiyeen, balse qorshahaan cusub ee sida dardarta ah ku socda waxaan rabnaa in sidii iyo si ka adag loola dagaalo kuwa dadka dilaya ama qafaalanaya
Waxaan xasuustaa beri samaadkii in haddii laba qof is qabsato la dhihi jiray askari noogu yeera ee isla markiiba la heli jiray askar roondeynaya laamiyada dalka waa xaqiiq isla markaana u kaxeyn jiray saldhigyada boliiska si ay u helaan caddaalad dulmanaha iyo kan wax dulmiyayba.
Sidoo kale burcadda iyo tuugada boliisku si dhib yar ayay ku soo heli jireen looguna soo xiri jiray saldhigyada, waxaana la marsiin jiray ciqaabaha ugu daran, nin wax dilayna iskaa warkiisa meeshuu galaa looga daba tegi jiray caddaaladdana laga waraabin jiray
Dhanka kale, waxaa xargaha goostay dilalka sida tooska ah loogu beegsado bulshada haddii bannaanka laga waayo guryaha loogu tegayo iyadoon cidna laga cabsaneynin, muqaddaraadkii oo faraha ka baxay, anshax xumadii oo gaartay heer aan waxba laga qaban Karin oo si toos ahna looga daawado shaashadaha youtubka iyo kuwa la midka ah anshax xumo ay sameeynayaan dad wax magarato ah.
Ma jiro fasahaad ka weyn haddeey intaas israacaan waxna laga qaban waayo, sidoo kale, boobka ayaa wuxuu iska noqday wax iska furan iyadoo halheys laga dhigtay ku qabso ku qadimeyside, habeenkii meelaha qaar ee mugdiga ah lama mari karo dan kasta haddeey ku qabsato cabsi awgeed waayo waxaa meelaha qaar ku gabanaya burcadda cusub ee mindiyaha ku adeegta ah intaas oo isbiirsaday ayaa keentay in aan dhaliilo sida ay u shaqeeyaan ha’yadaha amniga gobolka qaar.
Maxaa talo ah haddaba, sideese loo sugaa amniga sidiisaba waa wada shaqeyn iskaashi bulshada deegaanka iyo hay’adaha amniga oo si wada jir ah wax u wada qabta, waayo ninka ciidanka ah meel walba ma joogo taasi ayaa waxay sababi kartaa in shacabka iyo burcadda iska horyimaadaan ama fasuuqu bato waxaana rajeynayaa in aan dhaliisheydu loo arag wax khaldan ee loo arko toosin iyo inay hay’adaheennu muujiyaan feejignaan iyo laba kacleyn hor leh.
Dhanka caddaaladda bulshada waxaa deeqda caddaalad, hadeey Meesha ka baxdo waxay dhali kartaa in qof waliba uu sharciga gacantiisa ku qaato si haddaba taasi looga hortago waa in la dabaqaa fulinta sharciga iyadoo loo marayo dariiqa saxda ah ee dalka lagu hago, qof sharciga diidan waa qof aan oggoleyn in la xukumo laguna noolaado kala dambeynta sharciga sinnaanta iyo caddaaladda.
Waa hubaal haddii amniga kor loo qaado isku xirka hay’adaha amnigana sida ay tahay uwada shaqeeyaan in laga wada adkaan karo mushkiladaha soo ifbaxay ee haatan bulshada ka qeylineyso qof waliba wuxuu codsanayaa caddaalad baan rabnaa, halkey ku maqan tahay caddaaladda waa su’aal Meesha ku jirta maadaama la wada weydiinayo?
Waan rajeynayaa cabashada badan ee shacabka in wax laga qaban doono lagana baahi tiri doono waxa ay tabanayaan, midbaa ka qeylinaya dhanka dilalka, ku kalaa sheeganaya in la dhacay, habar baa ooyeysa sida bandanna waxaase waxay ka imaanayaan dhanka dilalka xaqdarrada ah, boobka dhulka, burcadda iyo tuugada, kufsiga oo haatan u gudbay dhinaca qowmaluudka, waxaas oo dhan waan dhaliilayaa waxaan jecelnahay in wax laga wada qabto sida ay tahayna loo mariyo sharciga kaas ayaa dadka deeqa iyadoo la raacayo baaritaanka ugu fiican ee qof la baaro qof dulmi sameeyay haatan mararka qaar waxaa dhacda in la wada xiro kii dambiilaha ahaa kii la dulmiyayba.
Ugu dmbeyn hay’adaha aan ku gama’no waxaa leeyahay feejignaada oo muujiya laba kacleyn iyo waxqabad dheeri ah, dardargelin amni iyo howlgallo joogto ah, si loo helo kalsooni shacab.
Shacabkana waxaan leeyahay la shaqeeya hay’adaha amniga haddii aad aragtaan wax khaldan oo u baahan wax ka qabasho iyo gurmad deg deg ahba, wada shaqeynta waxaa ka dhasha wanaag, jeceyl iyo kalsooni amni
Ilaahoow dalkeenna nooga dhig mid ku naalooda amni iyo amaan waara, annagaan kuwii qaata wacyigelinta naga yeel aamiin.
WQ: Osman Dhiblaawe