Milateriga qabsaday Niger oo madaxweyne Bazoum ku eedeeyay khiyaano qaran

Milateriga Niger ayaa sheegay in ay maxkamadeyn doonaan madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mohamed Bazoum ,iyadoo lagu ueedeynayo khiyaano qaran iyo in uu wax u dhimay amniga gudaha iyo dibadda ee dalkaasi.

Hadaladaan ayaa imaanaya saacado kadib markii koox culumaa’udiin ah oo sare ay sheegeen in hoggaamiyeyaasha afgambiga ee dalkaasi ay u furan yihiin bogga diblomaasiyadda,si ay u xalliyaan khilaafka kala dhaxeeya urur goboleedka Galbeedka Afrika.

Afhayeen u hadlay millatariga Niger ayaa war qoraal ah oo laga sii daayey telefishinka dalkaai ku sheegay in  eedaha loo heysto Bazoum ay yihiin kuwo la xiriira khiyaano qaran oo uu ka galay dadka iyo dalka sida la sheegay.

Abdramane oo hadalkiisa sii wata ayaa dhaleeceeyay cunaqabataynta la saaray dalkiisa, isaga oo sheegay in talaabooyinka ay qaadeen Galbeedka Afrika ” ay dadka ku adkeyn doonto inay helaan dawooyin, cunto iyo koronto.

Ururka Galbeedka Afrika ayaa ansixiyay in dalka Niger loo diro ciidan heegan u ah soo celinta madaxweyne Basuum iyo nidaamka dastuuriga ah ee dalkaasi,waxaana warku intaa raaciyay in dalalka Galbeedka Afrika ay weli ka go’an tahay in xal diblumaasiyadeed loo helo xiisadda ka taagan Niger.

. Madaxweyne Bazoum oo 63 jir ah iyo qoyskiisa ayaa lagu hayaa guriga rasmiga ah ee madaxtooyada oo ku yaalla caasimadda Niamey tan iyo afgambigii dhacay 26-kii July, iyadoo walaac caalami ah laga qabo xaaladaha ka jira dalkaasi.