Midowga Yurub oo gaadiid ugu deeqay xoogga dalka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu daahfurayey dib u habayn xerada tababarka ciidamada ee Dhagabadan iyo gaadiid Ciidan oo ay ku deeqeen Midowga Yurub, kuwaas oo loogu talagalay xoojinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa munaasabaddda joogay wafdi heer sare ah oo ka yimid xarinta midowga Yurub ee Brussels oo uu hogaaminayey Agaasimaha Adeegga Dhaqaalaha Dibadda Afrika ee Midowga Yurub, Mudane Jonas Jonsson iyo sidoo safiirka ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Karin Johansson. yo sidoo kale taliye ku xigeenka ciidamada XDS.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Dugsiga Tababarka ciidamada ee Dhagabadan ayaa Wasiirku uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya iyo Iskaashiga qotoda dheer ee Kala dhexeeya, isagoo xusay in Taageeradan ay kusoo beegantay xilli ciidamadu ay ku jiraan dagaal toos ah oo lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab iyo xasilinta deegaanadii la xoreeyay.