Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa soo dhoweeyay heshiiska 25kii August ay Muqdisho ku gaareen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo qeyb ka mid ah Madaxda Madasha Samatabixinta oo ku saabsanaa hannaanka doorashooyinka ee Madaxweynaha iyo kan Baarlamaanka dalka.
Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqay dhammaan saxiixayaasha heshiiska in ay sii wadaan dhaqan-gelintiisa, isagoo u soo jeediyay dhammaan daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya in ay taageero buuxda u fidiyaan sidii loo xoojin lahaa guushan siyaasadeed ee la gaaray iyo in la qaato wadahadal iyo is afgarad lagu xalliyo dhammaan arrimaha harsan ee hannaanka doorashada dalka la xiriira.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa beesha caalamka ku dhiirigaliyay in ay sii wadaan taageeridda hannaanka dimoqraadiyadda iyo dawlad-dhiska Soomaaliya, iyada oo la raacayo mudnaanta ay qeexeen hay’adaha Soomaaliyeed.
Bayaanka ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamed Cali Yuusuf ayaa lagu shaaciyay in Midowga Afrika uu mar kale xaqiijinayo sida ay uga go’an tahay in Soomaalida ay ku wada heshiiyaan xoojinta tubta nabadda iyo xasilloonida guud ahaan dalka.