Midowga Afrika oo canbaareeyay qaraxyadii ka dhacay Uganda

Ururka Midowga Afrika ayaa si adag u canbaareeyay labadii qarax ee shalay lala beegsaday caasimadda Uganda ee Kampala.

Guddoomiyaha Miodwaga Afrika, Muuse faki ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday weeraradii argagixisanimo ee ka dhacay Kampala, wuxuuna sidoo kale u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay caafimaad deg-deg ah.

Muuse Faki ayaa intaas ku daray in Midowga Afrika garab taaganyahay dowladda iyo shacabaka Uganda.

Booliska dalka Uganada ayaa sheegay in lix qof ay ku dhinteen labo qarax oo maalintii shalay gilgilay magaalo madaxda dalka Uganda ee Kampala, waxaana ka mid ah dadka dhintay Seddex qof oo u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.