Maxamed Cusmaan Aadan oo ka tirsanaa argagixisada Alshabaab, ayaa Isku Soo Dhiibey Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Maxamed ayaa lasoo goostay Qori AK47 ah, waxaana la guddoonsiiyey lacag abaal marin ah oo loogu badalay hubkii uu lasoo goostay.
Maxamed Cismaan ayaa muddo labo sano ah u shaqeynayey argagixisada, waxaana uu ka soo howlgalay Gobolada Sh/dhexe, Baay iyo Jubooyinka.