Meydka AUN Wariye Boqorka Bartamaha oo laga soo dejiyay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

Alle ha u naxariistee, maanta ayaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay meydka marxuum Wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha), oo dhawaan lagu dilay dalka Jarmalka,

halkaas oo ay uga qeyb galeen Masuuliyiin Dowladda ka tirsan iyo shacab.

Alle ha u naxariistee, marxuumka ayaa salaadda janaasada lagula tukaday Masjidka Isbahaysiga, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, bahda warbaahinta madaxa-bannaan iyo ehelada marxuumka.

Ka qeybgalayaashu waxay Alle uga baryeen marxuumka inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, eheladiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Wariye Boqorka Bartamaha wuxuu ahaa ruug-caddaa saxaafadeed oo muddo ka badan 50 sano ku jiray shaqada saxaafadda. Wuxuuna ka tirsanaa wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka, isagoo dalka Jarmalka uga soo warrami jiray.