Meydadka 89 muhaajiriin ah oo laga helay badda Atlantik

Ilaalada xeebaha dalka Mauritania ayaa soo saaray meydadka 89 qof oo tahriibayaal ah oo la socday dooni Isniintii  ku degtay badweynta Atlaantik.

Sagaal qof oo ay ku jirto gabar shan jir ah ayaa la soo badbaadiyay, balse tobannaan kale ayaa la la’yahay.

Dadka badbaaday ayaa sheegay in markabka yar ee ay la socdeen uu ahaa doon kalluumeysi oo todobaadkii hore ka soo shiraactay xadka u dhexeeya Senegal iyo Gambia.

Doobtaasi waxaa saarnaa 170 qof ,iyadoo ku qallibantay xeebta koonfur-galbeed ee Mauritania.

Mauritania ayaa ah marin muhiim ah oo ay maraan dadka tahriibayaasha ah ee isku dayaya in ay Yurub uga safraan Galbeedka Afrika, iyadoo kumanaan doon ay ka dhoofaan dalkaasi sanadkii hore.

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​40,000 oo qof ay sanadkii hore halkaasi gaareen laba jibaar tiradii sanadkii hore.

In ka badan 5,000 oo muhaajiriin ah ayaa ku dhintay iyaga oo isku dayaya in ay badda ku gaaraan Spain shantii bilood ee ugu horreysay sanadka 2024-ka, sida ay qiyaastay hay’adda samafalka ee Ca-minando Fronteras.

Bishii Abriil, Midowga Yurub wuxuu siiyay Mauritania $ 225m) oo gargaar ah. ku dhawaad ​​€ 60m oo ka mid ah lacagahaasi  ayaa lagu maalgelin doonaa dagaalka ka dhanka ah socdaalka sharci-darrada ah ee Yurub.