Maxkamadda gobolka Banaadir oo u fariisatay dhagaysiga dacwad ka dhan Ciyaal weero

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhageysiga Gal-dacwadeed ay eedeysanayaal ka yihiin Ciyaal weero lagu soo qabqabtay howlgalka Samakaab oo ay ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka fuliyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Eedeysanayaashaan oo gaaraya 11 ruux ayaa laga soo qabtay degmada Yaaqshiid, waxanay ka kala tirsanaayeen Saddax kooxood oo ka mid ahaa ciyaal weerarada, waxaana ay kala yihiin, ciyaal buulo, Ciyaal Tusbaxleey iyo Ciyaal Kaaro.

Ciyaal weero ayaa xaalad amni darro ka abuuray qeybo ka mid ah Caasimadda, iyagoo geysta dhac iyo dil aan loom eel dayin, taas oo ay dowladduna kaga fal celisay howlgalka ballaran ee Sama-kaab oo lagula dagaallamayo Kooxaha abaabulan ee la baxay Ciyaal weerada.