Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa maanta markale u fariisaneysa dhageysiga dacwad Ciqaabeed loo heysto saraakiil ka tirsan wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, kuwaaasi oo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu ku soo eedeeyay Musuq-maasuq, lunsasho hanti dadweyne iyo ku tagri fal awood xafiiseed.
Mas’uuliyiinta Maxkamaddooda maanta ay billaabaneyso ayaa waxaa ay kala yihiin, Agaasimahii Guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Agaasimahii kaga horreeeyay Xafiiska Maxamed Cadde Muqtaar.