Maxkamadda Gobolka Banaadir oo dil ku xukuntay nin horay u dilay xaaskiisa

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dil ku xukuntay Sayid Cali Macallin Daa’uud oo lagu helay dambi ah in uu xaaskiisa Marxuumad, Luul Cabdicasiis nolosha ku gubay.

Dacwadda kiiska Sayid Cali Macallin oo marxalado kala duwan soo martay ayay maxkamaddu maanta ku dhowaaqday natiijada kasoo baxday baarista fal dambiyeedka, waxaana si weyn usoo dhoweeyay go’aanka Maxkamadda ehelada Luul Cabdicasiis Maxamed.