Maxkamadda CQS oo xukunno kala duwan ku riday Sheegow & maleeshiyo uu watay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday Sheegow iyo Maleeshiyo uu watay, iyada oo Maxkamaddu ay ku riday xukunno isugu jira; dil, mag iyo sannado xabsi ciidan ah.

Maxkamadda ayaa Sheegow Axmed Cali ku xukuntay Bixinta Diyada Sakariye Maxamed Cali oo ku baxay Fal-celintiisa iyo magdhow siinta sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir oo uu dhaawacay, sidoo kale Maxkamadda ayaa ku xukuntay 10-sano oo xabsi ciidan ah.

dhanka kale Maxkamadda ayaa Axmed Maxamed Xasan (Abii Axmed ) taliyaha maleeshiyada Horjooge ku xukuntay dil toogasha ah, iyada oo Maxkamadda ay ku eedeysay in uu Maxkamadda ku taal Magaalada Jowhar ku dilay laba eedeysane February 13, 2023-ka.

Maxkamadda ayaa 18 kale oo isla kuwii dagaalamay ayay Maxkamadda ku Xukuntay min 6-Sano oo Xabsi Ciidan ah. Laba dhac gaystay ee fowdada ka bilaabatay ayaa iyana lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Bixinta Telefoon-dii ay dhaceen. Maxkamadda ayaa Deeqow maal geliyaha kooxdan oo aan lahayn Diiwaan Ciidan ayaa lagu xukumay 3-sano oo Xabsi Ciidan ah.

May be an image of 15 people, people playing American football, people playing football and text