Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa aroornimadii hore ee saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay askar katirsan dowladda oo horay loogu xukumay dila toogasho ah
Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud waxa uu hore u Dilay Xasan Maxamed Shire oo ay Boliiska kawada tirsanaayeen.
Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayle oo isna Boliiska ahaa waxa uu Dilay Cabdi Xakiim Maxamuud Khaliif oo uu dhacayay.
Subaxan ayaa laga wada Oofiyay xadkii Qasaasta ah ee lagu xukumay Cabdi Shakuur iyo Cabdi Jamaal
Maxkamadda ciidamada ayaa dhawaan sidaan oo kale xukun dil ah ugu fulisay askar dilal u geeystay qaar kamid ah dhalinyarada ku shaqeysata Moota Bajaajta,kuwaa oo siyaaba kala duwan loogu dilay muqdisho gobolada dalka.